Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXOG: Faahfaahinta dagaal culus oo ka dhacay degmada Garbahaarey

XOG: Faahfaahinta dagaal culus oo ka dhacay degmada Garbahaarey

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay weli joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fuliyaan weeraro arbushaad ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay si gaar ah ula beegsadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, balse waxa ay tilmaameen in aanay caddeyn karin inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday laga hortagay, ayna ciidamadu sameeyeen iska caabin xooggan, taas oo keentay inay dib u laabtaan ragga weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan laamaha amiga ayaa sheegaya in ay dileen qaar kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda ay saaka howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Maalmihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa is uruursi ciidan ka waday agagaarada degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey, waxaase dhaq-dhaqaaqaasi la socday ciidamada oo xalay sameeyey ka hortag, kadib weerarka uga yimid dhanka Al-Shabaab.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay weli joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fuliyaan weeraro arbushaad ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Waxaa kale oo Gedo usii dheer in weli ay ka taagan tahay xiisad kale oo siyaasadeed oo u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, taas oo mar kale soo laba kacleysay, waxaana si weyn looga dareemayaa degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular