Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo maanta iyo xalay ka kala dhacay gobollada Shabeelooyinka iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaannada Boos Hareeri iyo Ceelbacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu shaaciyay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furimaha hore ee dagaalka.
Abuukar ayaa shaaca ka qaaday in duqeymahaasi lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo ay lahayd kooxdu.
Duqeynta labaad ayaa iyadana ka dhacday Shabeelaha Hoose, wuxuuna afhayeenka tilmaamay in lagu burburiyay buundo macmal ah oo ay sameysteen Al-Shabaab, isagana gudbi jireen gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
“Waxaa duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isugu jiray suugag iyo teedhi-sabano, sidaas oo kale waxaa la burburiyay buunadadii ay isaga gudbi jireen gobollada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose” ayuu yiri Abuukar.
Sidoo kale afhayeenka ayaa ka hadlay xaaladda degmada Awdheegle, wuxuuna sheegay in weli ay howlgallo kasii wadaan ciidamada Xoogga dalka oo uu tilmaamay inay jab gaarsiiyeen Shabaab, walow lasoo wariyay in xalay qayb kamida degmada ku hoydeen.
Dhinaca kale, waxaa iyasana duqeyn kale oo saddexaad ay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ah fadhiga ugu wayn ee Al-Shabaab, waxaana xalay diyaarado dagaal ay beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha degmadaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kooban uga hadlay duqeynta Jilib, wuxuuna tilmaamay inay dib ka shaacin doonaan faah-faahinta weerarkaas cirka ah ee lagu qaaday Shabaab.
“Hawlgalka ciribtirka Khawaarijtu wuxuu gaaray Jilib, faahfaahin ayaad heli doontaan insha allaah, ma jiri doonto goob iyo gabbaad nabad ah oo Khawaarij ay ka hesho gayigeenna” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray wasiir Al-Cadaala.