Tuesday, June 3, 2025
spot_img
GurigaWarar la soo bandhigayXOG: Heyadda SoDMA oo noqotay tan ugu musuq maasuq badan dhamaan heyadaha...

XOG: Heyadda SoDMA oo noqotay tan ugu musuq maasuq badan dhamaan heyadaha dalka

Heyadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa noqotay meesha ugu musuq maasuq badan dhamaan haayadaha dowlada.

Maamulka hey’adan ayaa ku eedeysan inay suuqyadda Muqdisho u iib geeyaan inta badan gargaarka daawada iyo raashinka loo keeno ee loogu tala galay inay gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Warar sugan oo aan helnay ayaa cadeeyay in Maareyaha heyadda Maxamuud Macalin Cabdulle uu keyd raashinka iyo daawa ah ka furtay bartamaha suuqa bakaaraha ee Caasimadda Soomaaliya asagoo lacago xad dhaaf ah kasameeya deeqaha dadka masaakiinta ah loogu tala galay.

Waxaa hoowshaas uqaabilsan nin lagu magacaabo Maxamed Mukhtar oo ku magacaaban arimaha kala iibsiga badeecada iyo daawada haayada SODMA.Maxamed Mukhtar waxaa uu caan ku ahaa baadda iyo lacag ka qaadashadii Xildhibaanadii Golaha Shacabka ee lagu soo doortay Hirshabelle waxaana uu markaas ahaa xubin kamid ah gudigii doorashada Hirshabelle.

Xiligii ay socotay doorashadii Xildhibaanadda, waxaa uu 500,000 oo dollarka Mareykanka ah kasameeyay kuraastaas isagoo lacagtaas ka qaaday Xildhibaanada kuraastaas loo doortay waxaana uu asagoo isla xiligaas dhul ka iibsaday magaalada Mogadishu.

Haayada SODMA ayaa isbuucii hore geeysay dhoowr kaartoon oo dawo ah degmada Maqakori, daawadaas oo la xaqiijiyay inay ahaayd mid dhacday looguna talagalay COVID 19, waxaana soo bandhigay dadka deegaanka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular