Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo khasaaraha is daba jooga ah ee kooxda Al-Shabaab ay kala kulmeyso dagaaladda isbuucyadii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday deegaanadda Sh/Dhexe.
Akhbar Media ayaa heshay xog xasaasi ah oo ku saabsan in Horjooge sare oo lagu magacaabo Axmed Fiidshe oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka uruurinta Zakawaatka in la ogaaday in lagu dilay duqayn ka dhacday Degmada Biyo cadde ee Gobolka Shabeelada Dhexe.
Horjoogahan oo kooxda dhaxdeeda muhiim ka ahaa iyo iyo koox kale oo gaadiid dagaal watay ayaa waxaa haleelay duqayn cirka ah oo ay fuliyeen Ciidamada Dowlada Federaalaka ah ee Somalia iyo Maraykanka.
Khasaaraha nafeed ee Maleeshiyaadka ka soo gaaray duqeyntaas ayaa intaas ka badan iyadoo Dowlada Federaalka ah ay sheegtay in Al-Shabaab duqeyntaas looga dilay ku dhowaad 50 xubnood.
“Ciidanka qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 44 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale halkaas lagu burburay gaadiidkii ciidan ee xubnahan ay wateen qaarkood uu saarnaa qoriga noociisa loo yaqaano Zuuga.
Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo kooxda ka xoreeyay deegaano muhiim ah.
Sidoo kale waxaa howl-galladan barbar socda duqeymo cirka ah oo ay fulinayaan saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo gacan ka helaya hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA.
