Wednesday, May 21, 2025
spot_img
GurigaWararkaXog ku saabsan laba Gobol oo ay u carareen Al-Shabaabkii Shabeellaha Dhexe...

Xog ku saabsan laba Gobol oo ay u carareen Al-Shabaabkii Shabeellaha Dhexe ka dib guul-darrooyin culus oo soo gaaray

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay fuliyeen ayaa kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taasoo keentay in dagaalyahannadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub.

Tiro badan oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay wehliyeen gaadiid dagaal, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay u wareegay gobollada Bay iyo Bakool, kaddib guuldarrooyin culus oo ka soo gaaray dagaallada socda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milatariga qaranka.

Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno Xasan Baydhabo, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxdaasi ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

“Waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe. Waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo.

Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda heegan ugu yihiin inay ka hortagaan joogitaanka kooxda ee Koonfur Galbeed.

“Waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna cadowga ka difaacaan gobolka,” ayuu yiri.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay fuliyeen ayaa kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taasoo keentay in dagaalyahannadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ciidan, ayaa booqday jiidaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, si uu uga qeyb galo kormeerka hawlgallada, kuwaas oo lagu xoojiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan ilaaladiisa oo ku soo haray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa adkeeyay amniga, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii jihaysanayo deegaanno aan weli si rasmi ah loo shaacin.

RELATED ARTICLES

Most Popular