Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXogta Duqeymo aad u xoogan oo lala eegtay goobo muhiim u ah...

Xogta Duqeymo aad u xoogan oo lala eegtay goobo muhiim u ah Shabaab

Weerarka labaaad ee duqeynta ah ayaa mar kale lala beegsaday buundada macmalka ah ee Oobaale oo shalay duqayn xooggan lagu burburiyay maantana mar kale la duqeeyay.

Wararka aan ka heleyno Shabeeladda Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqayn xooggan laga maqlay Deegaanka Damasha Shabeelow oo u dhaw Oobaale oo ka tirsan Mahadhaay.

Akhbaar Media ayaaa heshay xog ku saabsan in Diyarado ay duqeeyeen goobtaaas kadibna muddo saacado ah laga maqlayay qaraxyo yar yar oo la filaayo inay ahaayeen miinooyin iyo saanad halkaaaa u taalay kooxda.

Weerarka labaaad ee duqeynta ah ayaa mar kale lala beegsaday buundada macmalka ah ee Oobaale oo shalay duqayn xooggan lagu burburiyay maantana mar kale la duqeeyay.

Goobta sedexaad ah ayaaa ah Beerta Cabdirisaaq oo dhanka galbeed ka jirta Wabiga shabeelle waxaana la aaminsanyahay in taliska maleshiyaadka shabaab ee soo galay shabeeladda Dhexe laga maamulo.

Xalay illaa saaka waxaa la soo sheegayaa in maleshiyaaad badan dib loogu daadgureeyay deegaanka Damasha iyo beerta Cabdirisaaq oo ah labada goobood ee maanta la duqeeyay.

Dhanka kale Deegaanka Caadleey oo hoos tagta Degamdq Ceelbaraf ayay ka baxeen kooxda Shabaab Kadib markii maalmo halkaa ay ku suganaayeen.

Deegaanadi ay soo galeen dhawaanahaaan ayaa waxaa laga soo sheegayaa in maleeshiyaadkii joogay ay soo wajahday cabsi kadib markii ciidamo badan oo dowladda ka tirsan iyo dadka deegaanka lagu soo aruuriyay deegaanka Laba Garas, Bursho Kheekh iyo Raagacelle.

RELATED ARTICLES

Most Popular