Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo haatan ka socda qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa saaxibada caalamiga ah.
Weerarkan dhanka cirka ah ayaa saaka aroortii hore waxaa lagu qaaday goobo ay ku sugnan yihiin xubnaha Al-Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid cakiran.
Warar aan helnay ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loogu garaacayaa deegaannada Sabiib iyo Canoole, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyada la beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayen Shabaabka soo galay halkaasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu ku jiro khasaare culus oo gaaray argagixisada, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, mana jiro war kasoo baxay dowladda dhexe.
Sabiib iyo Canoole ayaa waxaa todobaadkii hore weerar qaraxyo ku bilowday kusoo qaaday kooxda Al-Shabaab oo halkaas dagaal culus kula galay ciidamada dowladda, waxaana tan iyo markaas ay kooxdu wadday dhaq-dhaqaaqyo culus.
Ujeedka duqeymaha socda ayaa ah kuwa la doonayo in lagu burburiyo xarumaha Al-Shabaab ee ku yaalla Shabeelaha Hoose, si hoos loogu dhigo awoodooda.
Waxaa sidoo kale weerarkaasi ka horreeyay mid kale oo isna lagu qaaday degmada Awdheegle oo ay muddo kooban la wareegeen Al-Shabaab , kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.