Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXogta kulan uu Madaxweyne Xassan Sheeikh Moqokori kula qaatay saraakiisha Militariga Soomaaliya

Xogta kulan uu Madaxweyne Xassan Sheeikh Moqokori kula qaatay saraakiisha Militariga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay dhabar adeega ay ciidamada muujiyeen intii lagu guda jiray dagaalo xoogan oo ay Kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada ay ku leeyihiin degaanada Hirshabeele.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ayaa xalay ku hoyday degmada Moqokori halkaas oo kulan uu kula qaatay Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.

Sida ay baahisay Villa Somalia, Madaxweynaha ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay dhabar adeega ay ciidamada muujiyeen intii lagu guda jiray dagaalo xoogan oo ay Kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada ay ku leeyihiin degaanada Hirshabeele.

Dhowaanahaanba Kooxda Al-Shabaab ayaa culees xoogan waxa ay soo saartay degaanada Hirshabeele iyada oo la wareegtay deegaano ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in inta uu joogo degaanada Hirshabeele uu ku xoojiyo ciidanka Qaranka inaan laga soo bixin jiidaha dagaalka lana sameeyo howlgallo xoogan oo ah kuwii ugu dambeeyay ee deganadaan looga saarayo Al shabaab.

RELATED ARTICLES

Most Popular