Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXogta Safar uu Ra’iisul wasaare Xamza maanta ku tagayo Laascaanood iyo Ujeedkiisa

Xogta Safar uu Ra’iisul wasaare Xamza maanta ku tagayo Laascaanood iyo Ujeedkiisa

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in ra’iisul wasaare Xamza uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabid Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in dhowaan u ambabaxaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Ku meel gaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xamza uu maalmaha soo socda u bixi doono Laascaanood, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho indho-indheyn ah, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli Ku meel gaarka ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii darayo in ra’iisul wasaaruhu uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka xog wareysan doonaan horumarka deegaanka, xaaladaha ka jira, gaar ahaan baahiyaha gaarka ah.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in ra’iisul wasaare Xamza uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo haatan laga hirgelinayo deegaannada maamulkaasi.

Socdaalka wafdigan sare ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC-Khaatumo oo weli dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah, tan iyo markii uu dagaal adag la galay maamulka Somaliland.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular