Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXogta Safarka maanta Muqdisho uu ku imaanayo R/Wasaare Abiy Axmed

Xogta Safarka maanta Muqdisho uu ku imaanayo R/Wasaare Abiy Axmed

Abiy ayaa marka uu yimaado kulamo la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal iyo heshiiskii ay dhowaan labada dhinac gaareen.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saacadaha soo socda ee maanta oo khamiis ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo Villa Somalia ka tirsan.

Waxaa magaalada Muqdisho horay u soo gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda Addis Ababa, kaas oo sameeyay dhaq-dhaqaaqyo culus oo loogu diyaar garoowayay soo dhaweynta Abiy Axmad Cali.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen Amniga iyo bilicda Caasimadda ku tagay qaar kamid waddooyinka Magaalada Muqdisho si ay u xaqiijiyaan in soo dhaweynta Raiisul Wasaare Abiy Axmad ay noqoto mid gaarsiisan heerkii loogu tala galay.

Abiy ayaa marka uu yimaado kulamo la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal iyo heshiiskii ay dhowaan labada dhinac gaareen.

Sida ilo xog ogaal ah oo Villa Somalia ka tirsan ay u xaqiijiyeen Akhbar Media, hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii amba qaadi doono wada-hadalladooda ku aadan heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray ama ugu yaraan lagu qaboojiyay xiisaddii badda, waxaana haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo ogolaanshihiisa u soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Imaashaha ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara.

RELATED ARTICLES

Most Popular