Muqdisho — Talaado, Febraayo 3, 2026 — Wasaaradda Beeraha, Kheyraadka Kalluumeysiga iyo Biyaha ee Jamhuuriyadda Yemen ayaa si adag u cambaareysay tacaddiyo ay ku tilmaantay kuwo isdaba-joog ah oo lagu hayo kalluumeysatada Yemen ee ka shaqeeya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo mas’uuliyadda ku eedeysay ciidamada Eritrea iyo maamulka Puntland.
Bayaan rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea ay weerar hubeysan ku qaadeen kalluumeysato Yemen ah oo rayid ah, xilli ay ku sugnaayeen biyaha xuduudda badda ee Yemen ee Badda Cas. Sida lagu sheegay bayaanka, weerarkaasi wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana sidoo kale la xiray kalluumeysato si qasab ah loo kaxeeyay.
Wasaaraddu waxay falalkaas ku tilmaantay jebin cad oo ka dhan ah shuruucda, axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee quseeya bini’aadantinimada iyo badaha, iyadoo ku dartay in ay khatar ku yihiin amniga, badbaadada iyo nolol-maalmeedka kalluumeysatada Yemen, isla markaana ay xadgudub ku yihiin xaqooda sharci ee shaqo iyo nolol sharaf leh.
Dhanka kale, Yemen ayaa si gaar ah u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay xarig sharci-darro ah oo ay fuliyeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso. Bayaanka ayaa lagu sheegay in kalluumeysato Yemen ah oo ka soo jeeda gobolka Xadramaawt lagu xiray xilli ay kalluumeysi ku jireen, lagana qaatay doonyahoodii, qalabkoodii iyo kalluunkii ay soo qabsadeen.
Wasaaradda Beeraha Yemen ayaa mas’uuliyadda sharciga iyo bani’aadantinimada dusha ka saartay dowladda Eritrea iyo maamulka Puntland, iyadoo ka dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan kalluumeysatada la xiray, loo xaqiijiyo badbaadadooda, dibna loogu celiyo dalkooda si nabad ah. Sidoo kale, waxay codsatay in loo soo celiyo doonyahoodii, qalabkoodii iyo dhammaan wixii ay wateen, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug leh xadgudubyada la sheegay.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, ururrada caalamiga ah, kuwa xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha bini’aadantinimada, inay gutaan waajibaadkooda sharci iyo akhlaaqeed, si cadna u cambaareeyaan falalkan, una qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo tacaddiyada ka dhanka ah

