Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaYuusuf Dabageed oo Bogaadiyay Macawisleyda Dagaalka kula jiro Al-Shabaab

Yuusuf Dabageed oo Bogaadiyay Macawisleyda Dagaalka kula jiro Al-Shabaab

Yuusuf Dabageed oo furimaha hore ee dagaalka booqday ayaa sheegay in dagaalka haatan lagula jiro Al-shabaab uusan laheyn wax wadahadal ah, halka marka ay dagaalamaan dalalka deriska ah ama Beelaha Walaalaha la raadiyo wadahadal lagu dhameeyo dagaalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ciidanka Macawiisleyda ee beesha Xawaadle ugu baaqay inay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee looga xoreynaayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaas.

Yuusuf Dabageed oo furimaha hore ee dagaalka booqday ayaa sheegay in dagaalka haatan lagula jiro Al-shabaab uusan laheyn wax wadahadal ah, halka marka ay dagaalamaan dalalka deriska ah ama Beelaha Walaalaha la raadiyo wadahadal lagu dhameeyo dagaalka.

“Dagaal kasta oo dhaca waxa uu ku dhamaadaa wada hadal balse kan Al-Shabaab waxa uu ku dhamaanayaa xabbad. Nimankii bac guduudan oo biyo ku jiraan idiin diiday miyaa idiin ogolaanayaa ceelashaas idiin qodan, labo qof oo dambe iskuma dili karto waxa aad isku heysaan, wax dambe oo aan Al-Shabaab in aan xabbad ku ridno ma rabno” ayuu yjri Yuusuf ku xigeenka Hirshabeelle Axmed Hagar Dabageed

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Federaalka iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya ay u hoggaansamaan madaxda hogaanka u ah howlgalada, isagoo xusay haddii la is khilaafo in laga dhaxlayo kala qaybsanaan iyo guuldaro dagaal.

“Cadowgaan wuxuu walaaleeyey dadkeeni deriska ahaa ee difaaca isugu jiray. Waxaan hubaa in laga adkaan doono haddii dadkeenu is-kaashadaan. Walaalayaal, maanta ka dib dhiig aan ahayn kan Shabaab idiin ma banaana, ciidanka dowladda ayaa kow ah, idinkana ayaa laba ah, weerara cadowga, iska ilaaliya khilaafka, iskana amar qaata walaalayaal, waad liibaanaysaan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar.

Hadalka ka soo yeeray Yuusuf Dabageed ayaa ku soo aadaya, iyadoo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo xooggan oo ka dhan ah Al-shabaab.

RELATED ARTICLES

Most Popular