Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaRa’iisul Wasaare Xamsa Cabdi oo Shabellaha Hoose Salaadda Ciidda kula oogay cutubyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi oo Shabellaha Hoose Salaadda Ciidda kula oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey shacabka gobolka Shabeellaha Hoose in ay midoobaan si wadajir ahna uga qaybqaataan dadaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kula ciiday gobolka Shabeelada hoose, Ciidamada Qaranka iyo xoogagga xaq-udirirka deegaanka ee halkaas kula dagaalamaya ururka Al-shabaab.

Tukashadii salaada ka dib, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey ciidamadda adkaysigooda iyo dadaalkooda inta lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Allah ha idinka aqbalo soonkiinna, salaaddiinna, sadaqadiinna, iyo dadaalkiinna 30-kii maalmood ee lasoo dhaafay.”

Isagoo la hadlayay dadka deegaanka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey shacabka gobolka Shabeellaha Hoose in ay midoobaan si wadajir ahna uga qaybqaataan dadaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.

“Waa in aan si wadajir ah isugu kaashano dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sida aad aragtaan, hawlgalladu waxay si xooggan uga socdaan gobollo badan oo dalka ka mid ah,” ayuu carrabka ku adkeeyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dagaalka ay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanku ee Macawileyda kula jiraan Al-shabaab, waxaana uu u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mar walba ku garab taagan tahay sidii loo ciribtiri lahaa kooxsa Shabaab.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikh dagaal ayuu leeyahay, baalka taariikhdana waxaa idin kugu qoran in aad tihiin Libaaxyada Afrika, dagaalka Khawaarijta aad kula jirtaan waa laba mid, in aad guul qaadato ama aad shahiido oo aad janno gasho, marna khasaaro maleh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Xafiiska Xamsa Cabsi qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaruhu maanta ugu tagay ciidamada qaranka ayaa muujinayso sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay xoreynta dalka iyo garab istaagga Ciidamada.

RELATED ARTICLES

Most Popular