Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamze iyo Qoorqoor oo shir uga socda...

Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamze iyo Qoorqoor oo shir uga socda Villa Soomaaliya

MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa shir muhiim ah ku leh xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee “qof iyo cod”, iyo xaaladda doorashooyinka Galmudug. Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegay in madaxdu ay isla eegayaan sidii loo dardargelin lahaa doorashooyinka tooska ah iyo caqabadaha hortaagan hirgelintooda.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay marxaladda kala guurka siyaasadeed, diyaar garowga doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa hannaan doorasho oo hufan oo lagu kalsoonaan karo. Arrimaha amniga Galmudug ayaa sidoo kale ka mid ahaa qodobada laga wada hadlay, maadaama ay muhiim u yihiin qabsoomidda doorashooyin nabdoon.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dalka looga gudbo nidaamka doorashooyinka dadban, loona gudbo doorashooyin ay shacabka si toos ah u doortaan hoggaankooda.

Ilaa iyo hadda, faahfaahin rasmi ah lagama soo saarin natiijada kulankan, balse waxaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho jihada geeddi socodka doorashooyinka dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular