Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya isaga oo tixraacaya soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana uu si rasmi u Magaacabay Sareeye Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Cusub ayaa lagu xoojiyay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso tayeynta Ciidanka Badda Soomaaliyeed, si ay ula wareegaaan amniga iyo difaaca xuduudaha badeed ee Qaranka, taas oo muhiim u ah qarannimada iyo midnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Taliyihii hore ee Ciidanka Badda Admiral Cabdi Warsame shaqadii uu ka soo qabtay ciidanka Badda intii uu xilka hayay, waxa uuna kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu sii labo laabo waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay dib ugu dhisto awoodda ciidamada Badda Soomaaliya si ay u sugaan ammaanka biyaha Soomaaliya oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal Burcad badeednimo iyo xaalufinta kheyraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya ku jira.
Waxaa xusid mudan in ciidamadii ugu dambeeyay ee Badda ah ee Soomaaliya loo tababaray ay soo gaareen dalka sanadkii 2023 kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Eritrea, inta badanna waxaa biyaha Soomaaliya waardiye ka haya Maraakiibta Howlgalka Midowga Yurub kuwaasi oo kooxaha burcad badeeda ka ilaaliya inay weeraraan Maraakiibta ganacsi ee marta biyaha Soomaaliya.