Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMadaxweynaha Kenya oo dhulka ku jiiday Madax badan oo Soomaali ah iyo...

Madaxweynaha Kenya oo dhulka ku jiiday Madax badan oo Soomaali ah iyo Arinta keentay fadeexadan

Dalalka Kenya iyo Ethiopia oo ah labo dal oo ku yaala Bariga Afrika jaarna la ah Soomaaliya ayaa jaadka ka baxo dalalkooda waxaa loo iib geeyaa inta badan Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawrkii maalmood u dambeeyay ku jiray booqasho u uku marayo Ismaamuladda kala duwan ee Gobolka ugu codadka badan Kenya ee Mount Kenya ee inta badan ay dagaan qowmiyadda Kikuuyadda.

Xilli uu shalay ku sugnaa Ismaamulka Meru ee caanka ku ah beeraha jaadka ayuu ka hadlay suuqgeynta jaadka iyo in beeraleyda ay ka helaan dhaqaale badan oo u dhigma tacabka ay beerahooda galiyeen.

Ruto oo gaari dhaladda ka saaran ayaa u khudbeeyay shacabka Meru waxaana uu u sheegay in uu la hadlay Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynaha Jubaland Axmad Maxamed Islaam (Madoobe), uuna kala hadlay sidii suuq balaaran loogu heli lahaa jaadka Kenya ka baxo iyo in qiimaha jaadka sare loo qaado.

“Waxaan la hadlay Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Jubaland iyo Somaliland, waxaan kalahadlay qiimaha cusub ee jaadka iyo sidii suuq ballaaran loogu heli lahaa jaadka aad u iib-geysaan Soomaaliya, haddaa kadibna qiimahaas ayaa lagu jaan-goyn doonaa qaadka,” ayuu yiri William Ruto oo shacabka ay u mashxaradayeen.

Arintan iyadda ah ayaa baraha bulshada ee Soomaalidda ka dhalisay falcelin aad u xoogan iyadoo bulshadda inteeda badan ay ku tilmaameen Madaxda Soomaaliyeed inay yihiin “caadaqaatayaal” aan danaha dalkaooda iyo dadkooda ka fikireynin.

Bulshada arinta ka falcelisay ayaa sheegay in tani ay tahay ceeb aad u weyn oo u soo hoyatay qof waliba oo Soomaali ah maadaama maanta “dadkii Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo lagu xisaabtamo in qiimo sare sun looga iibiyo”, waa sida ay bulshadda sheegeene.

William Ruto ayaa dhanka kale intii bulshadda Meru uu kala hadlayay jaadka iyo suuqgeyntiisa waxaa uu sheegay inuu ka taqalusi doono qowleystadda ka dhax macaashayo beeraleyda jaadka soo saaro iyo macaamiisha ay u iib geeyaan.

Dalalka Kenya iyo Ethiopia oo ah labo dal oo ku yaala Bariga Afrika jaarna la ah Soomaaliya ayaa jaadka ka baxo dalalkooda waxaa loo iib geeyaa inta badan Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dalka soo maray intooda badan ganacsiga jaadka u xiro dad ay qoys ahaan is xigaan ama siyaasiyiin waaweyn oo ay faaidooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyaga ku qabaan, waxaana halkaas inta badan ku mustaqbal beela dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular