Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaUN-ka oo shaaciyay in dad 100 kun kor u dhaafaya ay ku...

UN-ka oo shaaciyay in dad 100 kun kor u dhaafaya ay ku barakeceen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya

Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in colaadaha qabaa’ilka ee ku soo noqnoqday gobollada kale ee dalka ay sababeen barakaca tobanaan kun oo qof bilihii u dambeeyay.

Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in dagaalada ka socda degaanada Maamulka Puntland ee lagula jiro Kooxda Daacish iyo dagaalka Shabaabka ka dhanka ah ee ka socda Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ay ku barakaceen in ka badan 100,000 oo qof.

Sida warbixinta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA  lagu sheegay, in ka badan 110,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda sababo la xiriira dagaallada ka socda waqooyi bari iyo bartamaha Soomaaliya.

Qaar badan oo ka mid ah dadkan barakacayaasha ah ayaa dhibaato weyn kala kulma sidii ay u heli lahaayeen hoy ku habboon iyo daboolidda baahiyahooda aasaasiga ah sida ay sheegtay  OCHA.

Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in colaadaha qabaa’ilka ee ku soo noqnoqday gobollada kale ee dalka ay sababeen barakaca tobanaan kun oo qof bilihii u dambeeyay.

Gabagabadii warbixinta, hay’adaha gargaarka bixiya ayaa loogu ku baaqay gargaar degdeg ah si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya ee barakacayaasha, oo ay ku jiraan bixinta cunto, hoy, iyo daryeel caafimaad.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular