Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaDowladda Soomaaliya oo ceyrisay Qunsulkii Safaaradda Sweden iyo Sababta

Dowladda Soomaaliya oo ceyrisay Qunsulkii Safaaradda Sweden iyo Sababta

Shaqadaan mid lamid ah ayay horey intaysan uga howlgalin Soomaaliya waxa ay kaga shaqeeyn jirtay dalka Suudaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aansatay inay dalka ka baxdo Anna Saleem Högberg, oo ahayd Qunsulka iyo madaxa arrimaha gargaarka ee dowladda Sweden, sida aan ka soo xigannay wargeyska Global Bar Magazine.

Dowladda Soomaaliya in kastoo si rasmi ah aysan arintaan uga hadal haddana ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Sababta ceeyrinteedi lagu sheegay khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac.

Wargeyska waxa uu xusay in Dowladda Soomaaliya inay go’aankan ka dhanka ah haweeneydan gaartay bishii la soo dhaafay ee Maarso, Anna Saleem Hogberg, waxay tan iyo 2022-kii ahayd madaxa arrimaha gargaarka u qaabilsan dowladda Sweden.

Shaqadaan mid lamid ah ayay horey intaysan uga howlgalin Soomaaliya waxa ay kaga shaqeeyn jirtay dalka Suudaan.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhex galay Anna Saleem iyo raysal wasaaraha Soomaaliya iyo xafiiskiisa ay sabab u tahay ceyrinteeda.

Warbixintaan Wargeyska ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Högberg lagu eedeeyey “inay sumcad-dil ku samaysay dowladda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular