Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo shirka Golaha Wadatashiga ku casuumay hoggaamiyaha SSC iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka Golaha Wadatashiga ku casuumay hoggaamiyaha SSC iyo waxa ay ka dhigan tahay

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ay bilaawday inay si toos ah uga qeyb qaadato dhismaha xarumaha maamulka ee SSC Khaatumo, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu dhisayo magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu yeeray Madaxweynaha Maamulka SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), isagoo ku casuumay inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Casumaadda Madaxweynaha SSC Khaatumo waxaa si rasmi ah u shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo hadda ku sugan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Firdhiye uu aqbalay casuumaaddaasx islamarkaana uu ka qeyb geli doono kulanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madax goboleedyada qaarkood, maadaama uu Xasan Sheekh ka reebay Madaxweynaha Jubbaland ka qeyb-galka kulankaan, halka Puntland ay is-hayaan hoggaanka Villada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in muhiimadda shirka ay tahay sidii looga arrinsan lahaa mustaqbalka dalka, isagoo xusay in Madaxweynaha SSC Khaatumo uu madasha shirka fursad u heli doono inuu ka hadlo danaha iyo aragtida shacabka uu metelo.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Maamulka SSC Khaatumo uu ku jiro marxalad cusub oo dhanka dhismaha maamulka ah, taasoo u baahan taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale si loo xaqiijiyo yoolalka shacabka deegaankaasi.

Xamza Cabdi Barre wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay SSC Khaatumo, isla markaana ay aqoonsan tahay dadaallada ay wadaan si ay u helaan maamul rasmi ah oo matala shacabka deegaankaas.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka ay bilaawday inay si toos ah uga qeyb qaadato dhismaha xarumaha maamulka ee SSC Khaatumo, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu dhisayo magaalada Laascaanood.

Si kastaba, casuumaadda Madaxweyne Firdhiye ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, taasoo muujinaysa in SSC Khaatumo ay si rasmi ah ugu soo biirayso hanaanka siyaasadeed ee dalka, iyadoo codkooda laga maqli doono miisaska go’aan qaadashada qaranka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular