Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaWasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo baaq culus soo saaray ka dib dagaalkii shalay

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo baaq culus soo saaray ka dib dagaalkii shalay

Wasiirka ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah u garab istaagaan ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan kooxaha argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah howl-galkii guuleystay ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo soo saaray baaq ku socda bulshada.

Howl-galkan ayaa ciidamada iskaashanaya ku dileen ku dhawaad 40 dhagar-qabe oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan iyo horjooge ajnabi ah, kaasi oo ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

”Waxaan ku bogaadinayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howl-galka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga Khawaarijta ee ka dhacay degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay, kaasi oo ka marqaati kacaya in la gaaray dhammaadka argagixisada dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa ballaaran halyeeyadii ku naf waayay dagaalka xaqa ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo bogsiino deg-deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay gulufka socda.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah u garab istaagaan ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan kooxaha argagixisada, oo dhibaato xooggan ku haya shacabka.

Wuxuu tilmaamay in kooxaha argagixisada ee ugu horeyso Al-Shabaab illaa laga cirib-tiro dalka ay shacabka Soomaaliyeed helayn nabad iyo xasilooni ay ku noolaadaan, maadaama ay hortaagan yihiin xasilloonida dalkeenna.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, iyadoo kooxdu ay dib isu soo abaabushay, ayna bilowday inay weeraro ku qaado deegaanadii hore looga qabsaday, kuwaasi oo ay u arkaan kuwa muhiim u ah fulinta dhagartooda, balse qaarkood ay ku fashilmeen.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular