Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni oo tan iyo bilowgii kacdoonkii Laascaanood sheegaysay in aysan marna qeyb ka noqon colaaddii SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa markii u horraysay qiratay in ay weli ku lug leedahay colaadda ka taagan degaanka Buqdharkayn.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu shakhsiyan qeyb ka ahaa dagaalkii u danbeeyay ee Ramadaantii ka dhacay Buqdharkayn islamarkaana uu ku biiriyay 400 oo askari iyo 31 gaadiidka dagaalka.
“Dagaalkii u danbeeyay ee Buqdharkayn waxaan subaxii labaad geeyay 400 oo askari iyo 31 gaadiidka dagaalka waxaana Suxuurtii maray magaalada Laascaanood” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.
Dhinaca kale, Wasiir Caydiid oo ay warbaahintu weydiisay su’aal ku saabsan Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Maamulka SSC-khaatumo ayaa diiday in uu caddeeyo mowqifka Xukuunadda Siciid Deni ee ku aaddan Aqoonsiga Khaatumo.
Si kastaba, Madasha Siyaasadda Puntland (PPF), oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, ayaa Axaddii bogaadiyay maqaamka cusub ee SSC-Khaatumo ay ka heshay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madash ayaa si gaar ah ugu hambalyeysay Maamulka SSC-Khaatumo, waxayna tallaabadan ku tilmaameen mid muhiim ah oo xoojinaysa matalaadda dadka deegaankaas ee heer qaran.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay Madashu ku sheegtay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yeelan karo saameyn togan oo ku aaddan dib u qaabaynta maamulka Puntland, taasoo suuragal ka dhigi karta dib-u-eegis dhameystiran oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee la qaadayo.
Waxa kale oo si diirran u bogaadiyeen booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood, taasoo ay ku sifeeyeen mid muujinaysa isbeddel cusub iyo feejignaan siyaasadeed oo heer qaran ah.