Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaXog Xasaasi ah: Madaxweyne Deni maka qeyb-galayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Xog Xasaasi ah: Madaxweyne Deni maka qeyb-galayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in Madaxweyne Deni si rasmi ah loogu casuumay shirka, isla markaana ay socdaan diyaar garowga la xiriira ka qeybgalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ka qeybgali doono shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho bisha soo socota.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in Madaxweyne Deni si rasmi ah loogu casuumay shirka, isla markaana ay socdaan diyaar garowga la xiriira ka qeybgalkiisa.

Shirka oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu isu keeno madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada si ay uga wada hadlaan khilaafaadka siyaasadeed, kor loogu qaado midnimada qaranka, loogana wada shaqeeyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ay ka midka yihiin Daacish iyo Al-Shabaab.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in beesha caalamka ay door muhiim ah ka ciyaartay fududeynta dib ugu soo laabashada Madaxweyne Deni ee hanaanka wadatashiga qaran. Diblomaasiyiin ayaa la soo wariyay in ay dhowr jeer kula kulmeen Deni magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, iyagoo si gaar ah ugu muujiyay muhiimada ay leedahay in Puntland dib ugu biirto geedi-socodka wadatashiga.

Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka NCC tan iyo bishii December 2022, kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii si weyn hoos ugu dhacday sababo la xiriira muranka siyaasadeed.

Shirka soo socda ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo qaran oo muhiim ah, sida dib-u-habeynta doorashooyinka, awood-qeybsiga, iyo isku-duwidda amniga, iyadoo ujeeddadu tahay in la soo celiyo wadahadal loo dhan yahay iyo mideynta qaranka.

Waxaa ka qeyb-galaya dhammaan madax goboleedyada dalka, marka laga reebo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo ay dowladdu diiday in ay casuunto.

Dowladda ayaa ku xirtay Axmed Madoobe ka laabashasa doorashadii muranka dhalisay ee ka dhacday Kismaayo. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo Madoobe.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka, General Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe aysan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan lagu dhisin hab-raac sax ah.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular