Tuesday, April 29, 2025
spot_img
GurigaWararkaMaamulka Koonfur Galbeed oo ka digay in dalka u ugali karo xaalad...

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka digay in dalka u ugali karo xaalad la mid ah tii 1991 haddii la jaro gargaarka xilligan

Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka digay in xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya ay gaari karto heer aad u xun haddii la joojiyo gargaarka degdegga ah ee lagu taageero dadka tabaaleysan.

“Haddii la jaro gargaarka xilligan adag, waxaa dhici karta in dalka uu galo xaalad la mid ah tii 1991,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka iyo Gargaarka Bani’aadamnimada ee Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Isaaq Ganey.

Digniintan kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed ayaa imanaysa iyadoo abaaro daba dheeraaday, sicir-barar ba’an, iyo colaado sokeeye ay ku sii fidayaan Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.

Horey, Dowladda Mareykanka ayaa u jaratay ku dhowaad $170 milyan oo gargaar ahaa oo loogu talagalay Soomaaliya, sida uu sheegay ururka samafalka ee Stand Up for Aid. Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli la saadaalinayo in ku dhowaad 4.4 milyan oo qof — oo ah 23% shacabka dalka — ay wajihi karaan xaalad macaluul ah sanadka 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah uga digay in go’aankan uu sii kordhin doono saameynta abaaraha, colaadaha, iyo sicir-bararka ku haya bulshada nugul.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in carruurta ka yar shan sano ay noqon doonaan kuwa ugu nugul ee la ildaran doona nafaqo-darro, iyadoo la filayo in tiradoodu gaarto ilaa 1.7 milyan dhammaadka sannadkan.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular