In ka badan 150 qof oo ay ku jiraan Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Reer Aw Xassan ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Dr Maxamed Xaaji iyo Waziirka Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Faarax Kheekh Cabdiqadir inay jufooyiinka beesha iska horkeen isla markaasina ka dhax abuureen eex iyagoo intaasi ku sii darsaday matalaad xumo.
Odayaashan ayaa cadeeyay inay kalsoonidii kala noqdeen iyo matalaadii beesha ay u hayeen Xildhibaan Dr maxamed xaaji iyo Waziir Faarax oo ay ku sifeeyeen iney shaqo ka dhigteen iney ku mashquulaan iska horkeenka iyo kala geeynta jufooyiinka reerka.
Xildhibaan Maxamed Xaaji waa wadaad siyaasadda ka soo galay dhanka Damjadiid isagoo kurisga si qasab ah ku soo qaatay, waxaana mudadii reerka uu matalayay lagu eedeeyay matalaad aad u liidato iyo in reer AW Xassan ay lumiyeen awoodoodii siyaasadeed.
Xildhibaanka ayaa naftiisa dhawr jeeer oo hore u sheegay odayaasha dhaqanka reerka inuu ku ceeboobay inuu xoog ku qaato kursiga oo ay leeyihiin reer diinta aad loogu ixtiraamo iyadoo taasi ay u sii dheer tahay sida uu sheegay inuu ku jahwareersanyahay siyaasada. Waxaa u uku eedeeyay Waziir Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isagana Golaha Wasiiradda ku joogo magaca reer Aw Xassan inuu qaayb kayahay qaladaadka jira, jahwareerinta reerka, beenta iyo balamaha laga baxay.
Mid ka mid ah Odayaashii ka hadlay kulankii maanta xubnahan kalsoonidda loogala laabtay oo ka dhacay Magaaladda Mogadishu ayaa yiri “Waziir Faarax uma maleeynaayo inuu jiro siyaasi Soomaliyeed oo ka been badan kana qayaano badan. Waxaa uu ka baxay dhamaan balamihii uu reerka ka qaaday waana mid isla xisaabtankeeda uu hadda bilaawday.”
Odayaashan dhaqanka ayaa baaq u diray Madxawaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xamza Cabdi Barre iyagoo ugu baaqay in arinkan ay soo fara galiyaan. Faarax Sheekh Cabdulqaadir inkastoo uu yahay saaxib u dhaw Madaxweynaha haddana waxaa uu kursiga ku jooga qeybta ay Golaha Wasiiradda ku leeyihiin reer Aw Xassan halka Xildhibaan Maxamed Xaaji uu isaga siyaasadda ka soo galay dhanka Damjadid oo uu hogaamiyo Madaxweynaha taas oo ka dhigan in baaqa odayaashan uu saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka siyaasiyiintan.