Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Gaalware oo qiyaas ahaan 4 KM dhanka bari kaga beegaan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen MaleeshiyaadkaAl-shabaab, islamarkaana lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo saddex ka mid ah yihiin saraakiil sar sare.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in ciidamada Danab ay howlgalka kusoo furteen hub kala duwan oo kala ah 6 qori oo ah PKM, 2 bam gacmeed oo nooca RPG ah, 17 qori oo ah AK-47.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkan khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-shabaab waxay sheegeen iney sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan kooxda Al-shabaab.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudo hal todobaad oo toos ah dagaalo qaraar ku dhexmarayaan ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle iyo kuwa Al-shabaab inta u dhaxeysa Ceel hareeri iyo Aadan yabaal oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-
