Monday, June 16, 2025
spot_img
GurigaWararkaMaxay tahay sababta uu Wasiir Cawad ceeb iyo baratakool xumo ugu tilmaamay...

Maxay tahay sababta uu Wasiir Cawad ceeb iyo baratakool xumo ugu tilmaamay Warqadii ay Dowladda u dirtay Beesha Caalamka?

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa si adag u dhaliilay warqad dhawaan ay dowladda Soomaaliya u dirtay beesha caalamka, taasoo ku baaqaysay in wax laga beddelo qaab-dhismeedka iskaashiga beesha caalamka.

Ambassador Axmed Ciise cawad oo xalay ka qeyb galayay barnaamij dood Wadaag ah oo ka baxayay Universal Somali Tv, ayaa warqaddaas ku tilmaamay mid ceeb ah oo muujinaysa dayaca ka muuqda dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir hore Cawad waxa uu sheegay in warqaddaasi ay ahayd mid si qaldan loo qoray, kana leexsanayd baratakoolkii iyo macnaha diblomaasiyadeed.

“Wasiiru dowluhu intuu warqad iska qoro oo magaciisa uu ku saxiixo ma dhihi karo C6+ ma jirto. C6 isagu ma abuurin. Safaarado joogo waaye, kuwa na maamulaya waaye. Wasiirka sidaas dhahaya Xalane ma geli karo haddii aanu askari Ugandhays ah baarin,” ayuu yiri Cawad.

Ambassador Axmed Ciise waxa uu xusay mararka qaarood in safaaradaha shisheeye ay dadka Soomaaliyeed uga roon yihiin madaxdooda. 

“Waxa uu ka xanaaqsan yahay oo uu lixda safiir u maagaayaa waxaa weeye, C6 waxay la kulmeen mucaarad, waxay u tageen madaxweynaha oo ku dhaheen dadkaaga la heshii, adiga iyo Jubbaland isla hadla, adiga iyo Puntland isla hadla, dastuurka ha iska beddelinina idinkoon raalli isaga ahayn. War Soomaali ayaad tihiin isku imaadoo gacmaha isqabsada” ayuu yiri Cawad.

Ugu dambayn, Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira dalka in ay salka ku hayaan madaxda dalka oo danahooda shaqsi ka hormariya danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular