Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle, Mudane Mohamed Aynte, ayaa ku guuleystay Abaalmarin Caalami ah oo uu bixiyay Independent Pan African Youth Parliament. Abaalmarintan ayuu ku muteystay dadaalkiisa horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay kaalintiisa muhiimka ah ee abuurista fursado shaqo, dhiirrigelinta hogaanka dhalinyarada, iyo horumarinta bulshada. Wasiirka ayaa sheegay in abaalmarintani ay dhiirrigelin u tahay inuu sii laba jibaaro adeegga uu u hayo dhalinyarada Hirshabelle iyo guud ahaan Soomaaliya.




