Waxaa si rasmi ah cabasho u gudbiyay beelaha Agoonyar Gaabane iyo Habarnugaale oo eedeyn kulul u jeediyay xubno ka tirsan dowladda kuwaas oo kala ah Cabdullahi Maxamednuur iyo Cabdullahi Macallin Mukhtaar. Beelahaas ayaa sheegaya in labada masuul ay si sharci-darro ah u adeegsadeen lacagihii dowladda dhexe ugu talagashay maleeshiyaadka Macawiisleeyda, taasoo ay ku eedeeyeen in loo adeegsaday dano siyaasadeed iyo kala qaybin beeleed.
Arrintan ayaa dhalisay gadood xooggan iyo kacdoon ka dhacay furumaha Macawiisleeyda, taasoo cabsi gelisay xasilloonida gudaha. Kadib cadaadis xooggan iyo cabasho si toos ah loo gudbiyay, waxaa si degdeg ah uga falceliyay maamulka Hirshabelle, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo arrinta si qoto dheer u eegay.
Ugu dambeyntii, Wasaaradda Maaliyadda ayaa la timid xalka arrintaas, waxayna dib u bixisay lacagihii ay xaqa u lahaayeen beelaha iyo xubnaha Macawiisleeyda, taasoo keentay deganaan iyo kalsooni dib ugu soo laabtay beelihii cabashada gudbiyay.




