Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku ansixiyay dhowr hindise-sharciyeed oo muhiim u ah dib-u-habaynta nidaamka garsoorka iyo xoojinta ilaalinta deegaanka dalka.
Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kaasi oo dib-u-eegis ballaaran kasoo maray culimada, khubarada sharciyada iyo qaybaha bulshada. Xeerkan cusub ayaa la waafajiyay shareecada Islaamka, Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, taas oo noqonaysa hay’addii ugu horreysay ee si rasmi ah u qaabilsan ilaalinta deegaanka, ka hortagga xaalufka iyo ka jawaabista saamaynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada ee dalka.
Sharciyada iyo Heshiisyada la meel-mariyay waxaa ka mid ah:
- 1- Is-afgarad iskaashi oo dhexmaray Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan batroolka, gaaska iyo macdanta.
- 2- Hindise-sharciyeedka Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.
- 3- Hindise-sharciyeedka Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
- 4- Axdiga Caalamiga ah ee Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda (SAR 1979).
- 5- Axdiyada Geneva iyo Protocol-yadooda Dheeraadka ah (1949).
Golaha Wasiirradu waxay sidoo kale dhageysteen warbixino la xiriira amniga iyo diyaar-garowga doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray golaha in ay door muuqda ka qaataan dadaallada nabadaynta iyo dhexdhexaadinta colaadaha beelaha, iyadoo arrintan si gaar ah loogu xilsaaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

