Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaDowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay xaaladda ka taagan Boorama

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay xaaladda ka taagan Boorama

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay rabshadihii ka dhacay magaalada Boorama, iyada oo tacsi u dirtay eheladii dadka ku dhintay. Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday maamulka Soomaaliland inay u turaan shacabka, in la ixtiraamo lana dhagaysto dareenkoooda.

Bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay:

“in Shacabka gobolka Awdal loo turo, cabashooyinkooda la dhagaysto, isla markaana khilaafaadka si nabad ah loo xalliyo. Dowladda waxay diyaar u tahay ka qayb qaadashada gurmadka caafimaad ee dadka ku waxyeeloobay rabshadaha.”

maamulka soomaliland ayaa amray in ciidamada amniga ee ku sugan Boorama dib ugu laabtaan saldhigyadooda si xaaladdu u noqoto mid degan, islamarkaana looga hortago rabshado dheeraad ah. Maamulka ayaa ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan nabadda, lagana fogaado burburinta hantida guud iyo midda gaar loo leeyahay, isla markaana la ixtiraamo xuquuqda dadka kale

Wararka ugu dambeeyay ee Boorama waxay muujinayaan in magaalada ay weli tahay mid xasaasi ah; suuqyada iyo ganacsigii magaalada ayaa hakad galay, dadka deegaanka ayaa ka baqaya in xiisaddu dib u kacdo, halka odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ah ay ku baaqayaan dib-u-heshiisiin iyo wada-hadal dhab ah oo lagu xalliyo khilaafaadka. Sidoo kale wararku waxay sheegeen in rabshaduhu ay ku dhinteen 16 qof, halka 60 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

halkaan ka akhri bayaanka ay soo saartay dowladda:

RELATED ARTICLES

Most Popular