Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galaya Madasha Dooxa iyo wadahadallo muhiim ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galaya Madasha Dooxa iyo wadahadallo muhiim ah oo uu la yeeshay Amiirka Qatar

Dooxa, Qatar; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galaayo Madasha Dooxa, ee lagaga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo iskaashiga horumarineed. Madaxweynaha waxaa garoonka Hamad International Airport kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Qatar, booqashaduna waa mid ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Intii uu ku sugnaa Dooxa, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani. Kulankaasi waxa ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Qatar, xaaladda gobolka, iyo heshiisyada iskaashi ee horay loo galay, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga, iyo diblumaasiyadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Amiirka la wadaagay qorsheyaasha horumarineed ee dalka, dib u habeynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah ee dalka ka socda.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay ka qayb qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulammo la qaadan doona madaxda kale ee dalka Qatar, isagoo ka wada hadli doona xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka labada dal.

Ka qeyb-galka Wafdiga ka socda Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo horumarka gobolka.

RELATED ARTICLES

Most Popular