Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaRa’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Safiirka Shiinaha: Maxay ka wada hadleen?

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay Safiirka Shiinaha: Maxay ka wada hadleen?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyadoo kulanku uu diiradda ku saarnaa xaaladda guud ee dalka, mashaariicda horumarineed, iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha, oo maalmihii u dambeeyay hagayay dadaallada isku dubbaridka ka jawaabista xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira, ayaa safiirka uga warbixiyay horumarka muuqda ee laga sameeyay ammaanka gudaha, kaas oo suurta geliyay in si habsami leh loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee socda. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay xaaladaha abaarta iyo dadaallada dowladda ee ku aaddan gargaaridda bulshada ay saameeyeen abaaruhu.

Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u xusay gargaarkii dhawaan la gaarsiiyay gobolka Awdal. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadaas mid caddeyneysa saaxiibtinimada iyo iskaashiga dheer ee labada dal ka dhexeeya.

Dhankiisa, safiirka Shiinaha Wang Yu ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kalsoonida ay dowladda Soomaaliya u muujisay dawladiisa. Wuxuu sheegay in Shiinaha ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo nabad iyo xasillooni ay ka hirgaleen inta badan dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in waqtiga la joogo ay tahay in beesha caalamku indho cusub ku eegto Soomaaliya, maadaama dalku uu diyaar u yahay maalgashi toos ah oo caalami ah.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Maalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

RELATED ARTICLES

Most Popular