DOHA, Qadar – Soomaaliya iyo Qadar ayaa kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ku yeeshay magaalada Doha, iyagoo kala saxiixday afar heshiis oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal. Kalfadhigan waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, halka Qadar uu ka matalay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Soltan bin Saad Al-Muraikhi.
Heshiisyadan ayaa daboolaya afar dhinac oo muhiim u ah horumarinta labada dal: hidaha iyo dhaqanka, kastamada, dhalinyarada, iyo beeraha.
Hidaha iyo Dhaqanka: Heshiiskan ayaa labada dal ku heshiiyey xoojinta iskaashiga maktabadaha, hay’adaha kaydka taariikhiga ah, qabanqaabada bandhigyada dhaqanka iyo farshaxanka, kobcinta aqoonta, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah.
Kastamada: Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa hirgelinta shuruucda kastamka, xakamaynta dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha, ilaalinta nidaamyada kastamka, iyo la dagaallanka tahriibinta iyo xadgudubyada la xiriira, iyadoo la waafajinayo shuruucda heer gobol iyo caalami.
Dhalinyarada: Heshiiska dhalinyarada ayaa lagu xoojinayaa is-dhaafsiga barnaamijyada dhalinyarada, ka qaybgalka shirarka iyo tababarro, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo tababaridda xirfadaha hoggaaminta iyo maaraynta mashruuca, si loo dhiirrigeliyo ka qaybgalka dhalinyarada ee arrimaha horumarineed.
Beeraha: Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadista wax soo saarka beeraha, is-dhaafsiga xogaha sayniska, abaabulka siminaaro iyo shirar, adeegsigga teknoolojiyadda casriga ah, bacriminta, iyo horumarinta farsamooyinka kaydinta iyo aqalka dhirta lagu koriyo, si loo taageero amniga cuntada iyo horumarka waara ee labada dal.
Labada dhinac ayaa sheegay in heshiisyadani ay astaan u yihiin go’aanka labada dowladood ee ku aaddan xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo iskaashiga waara ee dhinacyada dhaqanka, dhalinyarada, beeraha, iyo kastamka.
Maalmo ka hor, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Doha, halkaas oo uu ka qeyb-galay madasha Dooxa ee arrimaha amniga, siyaasadda iyo horumarka. Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim Binu Xamad, iyo madaxda kale ee dalkaas, isagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta iskaashiga labada dal.
Heshiisyadan ayaa tilmaamaya xiriir sii xoogeysta oo labada dal ay doonayaan in mustaqbalka lagu horumariyo iskaashi istiraatiiji ah, ganacsi, dhaqan, iyo arrimaha dhalinyarada.

