Warbixin:
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale ku celiyay weerarro afka ah oo ka dhan ah Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar, isagoo hadallo kulul ka jeediyay laba jeer oo kala ahaa isku soo bax ka dhacay Pennsylvania iyo shir jaraa’id uu qabtay Washington. Hadalladan, oo dhacay 5 saacadood ka hor, ayaa qayb ka noqday hadallo uu ku sheegay inuu ku raadinayo taageero siyaasadeed ka hor doorashada dhexe ee 2026.
Intii uu ka hadlayay isu soo bax ka dhacay Pennsylvania shalay, Trump ayaa si gaar ah u beegsaday Soomaalida gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku badan yihiin, isagoo Barasaabka Minnesota Tim Walz ku tilmaamay “mid ka mid ah kuwii ugu xumaa” taariikhda barasaabyada. Sidoo kale, wuxuu Ilhaan Omar ugu yeeray “naag xun”, taas oo keentay in dadkii isugu yimid ay ku dhawaaqaan “dib u celiya”.
Trump wuxuu si jees-jees ah u aflagaadeeyay xijaabka Ilhaan, isagoo ku sheegay “koofiyad yar” isla markaana ku baaqay in la masaafuriyo. “Waan jeclahay Ilhan Omar—magaceeda wixii uu yahayba—iyadoo xiran koofiyadda yar,” ayuu yiri, isaga oo mar kale soo celiyay hadallo uu hore ugu sheegay oo ay ku jirtay sheegashada ah in Ilhaan “uusan u arkin qof wanaagsan oo Maraykanka usoo haajiray”.
Khudbaddiisa 90-da daqiiqo ahayd, Trump wuxuu sii wiiqay magaca Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “dal ugu xun caalamka” isla markaana sheegay in aanu “lahayn booliis, baarlamaan, ama nidaam shaqeeya”, isagoo ku daray in “booliiska dalkaba ay is dilaan”. Minnesota gudaheeda, hadallada Trump ayaa kor u qaaday cabsida Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan markii uu ugu yeeray “qashin” oo howlgallada ICE ay sababeen in dad badan la qabqabto.
Shir jaraa’id uu Washington ku qabtay, ayuu mar kale ku celiyay eedeymo uu hore u jeediyay, isagoo yiri: “Shaqsi ka yimid Soomaaliya ma idinku jiro kooxdiina? Maya kuma jiro—waxay joogaan Minnesota.” Wuxuu sidoo kale ku celiyay eedeymo hore oo been abow ahaa oo ku saabsan in Ilhaan “si sharci-darro ah u guursatay walaalkeed”, sheegasho ay Ilhaan hore u beenisay kuna tilmaantay “xan aan wax sal lahayn”.
Trump ayaa xitaa sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay “in Ilhan dib loogu celin karo Soomaaliya”, hadal sii xoojinaya weerarradiisa siyaasadeed iyo cunsuriyadeed.
Hadalladan oo si weyn uga caraysiiyay bulshada Soomaaliyeed iyo qaybaha kale ee bulshada Maraykanka ayaa markale muujinaya sida uu Trump ugu celceliyo hadallo kicin ah oo ka dhan ah muwaadiniin Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalal kale.

