Muqdisho — Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa maanta soo saaray qoraal cusub oo uu si toos ah ugu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay fashil hoggaamineed oo gudaha iyo dibaddaba ah. Qoraalka ayaa lagu faafiyay bartiisa Facebook, wuxuuna muujinayaa khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dhinac.
Fahad Yaasiin, oo muddooyinkii dambe dhaliilo joogto ah u jeedinayay Villa Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu si qaldan u wajahay sokeeye iyo shisheeye labadaba. “Madaxweyne Xasan Sheekh, sokeeyaha u ciidmayaa wuu cunayaa, shisheeyaha cunayana waa u ciidmayaa,” ayuu yiri, isaga oo ku tilmaamay hoggaamintiisa mid aan lahayn jiho cad.
Isagoo sii adkeynaya dhaliilihiisa, Fahad ayaa ku sheegay in halku-dhiggii Madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la’ah” uu isu beddelay mid ka tarjumaya burbur iyo kala daadsanaan. “Halku dhigiisu waa Soomaali xaraash ah, dunidiina kala xadayso,” ayuu ku qoray farriintiisa kooban.
Fahad, oo hadaladiisa hore ku beegsaday sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa ku booriyay inuu xilka ku badbaadiyo dalka oo dib u soo celiyo wada-ogolkii siyaasadeed. Haddii uusan taas awoodin, ayuu ugu baaqay in uu xilka iska casilo si uu “magaciisa u dhowro”.
Fahad Yaasiin ayaa hadda ka tirsan xisbiga Midowga Haybad Qaran, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiin caan ah, waxuuna xisbigaasi musharax u doortay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Weerarkan cusub ee Fahad ayaa imanaya iyadoo doodaha siyaasadeed ee gudaha dalka ay mar kale kululaanayaan, isla markaana mucaaradku uu si weyn u dhaliilayo hab-dhaqanka maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

