Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaFaah-faahin kasoo baxday qarax ka dhacay xerada Jeneraal Dhagabadan, Muqdisho

Faah-faahin kasoo baxday qarax ka dhacay xerada Jeneraal Dhagabadan, Muqdisho

Muqdisho, Somalia — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fashiliyay qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhici lahaa xerada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka.

Warbixinta ayaa sheegtay in ninka isku xiray walxaha qarxa uu isku dayay in uu galo xerada, balse ciidanka ilaalada oo foojigan ayaa si degdeg ah u toogtay ka hor inta uusan qarxin. Qaraxa la fashiliyay ayaa sababay dhaawacyo fudud oo soo gaaray dhowr askar ah oo ku sugnaa xerada, gaar ahaan kuwa ka shaqeynayay waardiyaha.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ku toogtay naftiis-halige, kaas oo isku soo xiray walxaha qarxa. Ciidanka oo feejignaan buuxda ku jiray ayaa ka hortagay isku-daygaasi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Taliska ciidanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in amniga xerada iyo guud ahaan nawaaxigeeda uu hadda yahay mid deggan, isla markaana ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda u xakameynayaan xaaladda.

Xerada Jeneraal Dhagabadan ayaa horey Al-Shabaab ku beegsaday dhowr jeer, iyadoo mararka qaar ay ka dhaceen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh. Weerarkan la fashiliyay ayaa kusoo aaday xilli amniga caasimadda uu muddooyinkii dambe ahaa mid deggan, iyadoo ciidanka dowladda ay howlgallo joogto ah ka wadeen magaalada.

RELATED ARTICLES

Most Popular