Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaDoon Sidday Walxo Qarxa oo Lagu Qabtay Xeebaha Eyl, Puntland

Doon Sidday Walxo Qarxa oo Lagu Qabtay Xeebaha Eyl, Puntland

Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen doon sidday budooyin loo adeegsado farsamaynta walxaha qarxa, kadib howlgal amni oo ka dhacay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal, sida lagu sheegay war rasmi ah oo soo baxay Sabtidii, December 13, 2025.

Taliska PMPF ayaa sheegay in howlgalkan uu yimid kaddib kormeer iyo daba-gal joogto ah oo ay ciidamada ka wadeen xeebaha Puntland, kadib markii la helay xog muujinaysay in doon laga shakiyay ay waday agab sharci-darro ah. Ciidamada ayaa tilmaamay in budooyinka la qabtay ay ka mid yihiin walxo halis ah oo loo isticmaalo samaynta qaraxyada, kuwaas oo keeni kara waxyeello ba’an haddii ay gaaraan kooxaha amni-darro ka shaqeeya.

War-saxaafadeedka PMPF ayaa lagu xaqiijiyay in doonta ay saarnaayeen toddobo ruux, kuwaas oo shan ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, halka laba kalena ay u dhasheen dalka Yemen. Dhammaan dadkaasi ayaa hadda ku jira gacanta ciidamada, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo ujeeddada rasmiga ah ee agabka la qabtay iyo cidda ka dambeysay.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in budooyinkan lagu shubi karo jaakadaha loo adeegsado qaraxyada, taas oo khatar weyn ku ah amniga guud. Taliska PMPF ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul u ah dadaallada lagula dagaallamayo tahriibinta hubka iyo walxaha qarxa ee mara xeebaha Puntland.

Mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa adkeeyay in howlgallada lagu sugayo amniga badda ay sii socon doonaan, iyagoo uga digay shabakadaha ku lugta leh falalka sharci-darrada ah in aysan meel ammaan ah ka heli doonin deegaanada Puntland. Waxa ay sidoo kale xuseen in la xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.

RELATED ARTICLES

Most Popular