Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaHawlaha Garoonka Aadan Cadde oo Hakad Galay Kadib...

Hawlaha Garoonka Aadan Cadde oo Hakad Galay Kadib…

Muqdisho — Khamiis, 18-ka December 2025 — Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka wajahaya hakad ku yimid howlihii caadiga ahaa, kaddib markii shaqaalaha shirkadda maamusha garoonka ee Fafoori (Favouri) ay bilaabeen shaqo-joojin iyo bannaanbax ay kaga cabanayaan xuquuq ay sheegeen in si joogto ah loogu tuntay.

Shaqaalaha oo isugu soo baxay bannaanka garoonka ayaa sheegay in hawlihii shaqo ee garoonka ay istaageen, iyagoo muujiyay caro la xiriirta mushaar, xaalado shaqo iyo xuquuq kale oo ay ku doodeen in aan la ixtiraamin. Shaqo-joojintan ayaa si toos ah u saameysay isku socodka rakaabka iyo habsami u socodka duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Bannaanbaxayaasha ayaa sheegay in cabashadoodu ay soo noqnoqotay marar badan, balse aysan helin wax jawaab ah oo wax ku ool ah. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Dowladda Soomaaliya in aysan weli qaadin tallaabo cad, taas oo ay sheegeen inay fursad siisay shaqaale ajaanib ah oo dalka u yimid shaqo inay duudsiiyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Dibadbaxan maanta dhacay ma ahan kii ugu horreeyay, maadaama shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ay horey dhowr jeer u sameeyeen shaqo-joojin la xiriirta eedeymo ay u jeediyeen shirkadda Fafoori. Shaqaalaha ayaa ku adkeystay in aysan shaqada ku laaban doonin ilaa laga xalliyo cabashadooda.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay shirkadda Fafoori ama hay’adaha dowladda ee arrintan quseeya. Shaqo-joojintan ayaa ku soo beegmaysa xilli garoonka Aadan Cadde uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee isku xirka dalka, taas oo walaac ka dhalisay saameynta ay ku yeelan karto safarrada iyo adeegyada duulimaadyada.

RELATED ARTICLES

Most Popular