Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaShirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Maalintii Labaad ka Socda Kismaayo,Dood Adag oo...

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Maalintii Labaad ka Socda Kismaayo,Dood Adag oo ka…

Kismaayo, December 19, 2025 — Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maalintii labaad si rasmi ah uga socda magaalada Kismaayo, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland. Shirkan, oo shalay si rasmi ah loo furay, ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyeyaasha Puntland, Jubbaland, xubno ka tirsan mucaaradka, mas’uuliyiin hore iyo waxgarad ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.

Ajendaha shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaraya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka, xaaladda amniga iyo jihada siyaasadeed ee dalka marka la gaaro dhammaadka muddo-xileedka Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo ka hadlay madasha furitaanka shirka, ayaa sheegay in aysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan qabsoomidda doorashooyinka dalka marka uu dhammaado muddo-xileedka madaxweynaha hadda talada haya. Wuxuu caddeeyay inuusan jirin khilaaf shaqsi ah oo kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo xusay in ujeeddada guud ay tahay badbaadinta dalka iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in haddii aan la gaarin heshiis qaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ay Puntland iyo saamileyda kale talo wadaag qaran yeelan doonaan bisha May ee 2026. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali doonin wax dib u dhac ah oo ku yimaada geeddi-socodka siyaasadda dalka marka uu dhammaado muddo-xileedka madaxweynaha.

Intii uu shirku socday, mas’uuliyiinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale yeeshay kulamo gaar-gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin, kuwaas oo ka dhacay Madaxtooyada Jubbaland. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray dhammaystirka qaab-dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo diyaarinta war-murtiyeedka kama dambaysta ah, kaas oo la filayo inuu caddeeyo mowqifka mucaaradka ee doorashooyinka 2026 iyo khilaafaadka dastuuriga ah.

Waxaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta lagu soo gabagabeeyo shirka, isla markaana laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo ay mucaaradku ku muujinayaan qodobada ay isku afgarteen, iyo sidoo kale qorshayaal ku aaddan wada-shaqeyn siyaasadeed oo mustaqbalka dhow ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular