Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaXukuumadda Soomaaliya oo si Adag u Beenisay Eedeymo la Xiriira Kaalmo Ay...

Xukuumadda Soomaaliya oo si Adag u Beenisay Eedeymo la Xiriira Kaalmo Ay Maalgeliso Dowladda Sweden

Muqdisho, December 19, 2025 — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah oo cad u beenisay eedeymo ay warbaahinno qaar faafiyeen, kuwaas oo la xiriiray in barnaamijyo horumarineed oo ay maalgeliso Dowladda Sweden loo adeegsaday ku-takrifal, dano gaar ah ama si khaldan loo maamulay kaalmada horumarinta.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kuna taariikhaysan 18-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo marin-habaabin ah oo aan ku salaysnayn wax xaqiiqo ah oo la xaqiijiyey. Xukuumaddu waxay caddeysay in warbixinnada la faafiyey ay ku dhisan yihiin sheegashooyin aan sal iyo raad toona lahayn.

Bayaanka ayaa lagu xusay in dhammaan kaalmada ay bixiso Dowladda Sweden lagu fuliyo hay’ado caalami ah, gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay, isla markaana aysan jirin wax dhaqaale ah oo si toos ah loo siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ama ay dowladdu si toos ah u maamusho. Waxaa la adkeeyey in maamulka, mushaharka iyo kormeerka mashaariicda ay si buuxda u hoos yimaadaan hay’adaha caalamiga ah ee hirgeliya, iyagoo adeegsanaya nidaamyo hufan oo waafaqsan xeerarka deeq-bixiyeyaasha iyo heerarka caalamiga ah.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in Soomaaliya ay ku hanjabtay joojinta iskaashi ama arrimo la xiriira masaafurinta si ay u hesho maalgelin. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay mid gebi ahaanba khaldan oo marin-habaabin ah.

Sidoo kale, xukuumaddu waxay si buuxda u diidday sheegashooyinka la xiriira heshiis qarsoodi ah oo lala galay Dowladda Sweden oo ku saabsan soo-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaas, iyadoo la caddeeyey in wax heshiis ah oo noocaas ah uusan jirin, isla markaana dhaqaalaha horumarinta uu maro hay’ado caalami ah, uuna si toos ah ugu dhicin qasnadda dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyey in xiriirka Soomaaliya iyo Sweden uu ku dhisan yahay hannaan diblomaasiyadeed iyo mid farsamo oo rasmi ah, halka arrimaha socdaalka, soo-celinta muwaadiniinta iyo kaalmada horumarineed ay yihiin geeddi-socodyo kala duwan oo leh sharciyo iyo hay’ado u gaar ah. Xukuumaddu waxay sidoo kale caddeysay in aysan jirin heshiisyo qarsoodi ah, isla markaana dhammaan iskaashiyada lala leeyahay Sweden ay ku saleysan yihiin heshiisyo qoraal ah oo waafaqsan habraacyada caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo anshax sare dhammaan iskaashiyada ay la leedahay beesha caalamka, iyadoo muujisay qaddarin ay u hayso xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Dowladda Sweden iyo diyaar u ahaanshaha wadahadal ku dhisan kalsooni, xaqiiqo iyo ixtiraam caalami ah.

,

RELATED ARTICLES

Most Popular