Kismaayo — Shirweynihii siyaasadeed ee mucaaradka oo maalmahan ka socday magaalada Kismaayo ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed dhammaystiran oo ka tarjumaya mowqifka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo xisbiyo siyaasadeed oo ka soo horjeeda dowladda federaalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysnaayeen maamulada Jubbaland iyo Puntland, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin hore iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso meel halis ah. War-murtiyeedka ayaa ka koobnaa 17 qodob oo diiradda lagu saaray amniga, dhaqaalaha, doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka.
Mucaaradku waxay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqeen in uu furo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay muddo bil gudaheed ah, kuna eg 20ka Janaayo 2026. Waxay sheegeen in haddii wadaxaajood la waayo, ay diyaarin doonaan doorasho gaar ah oo ay dalka ka qabanayaan, iyagoo ku dooday in hannaanka doorashada uu hadda yahay mid hal dhinac ah.
Goluhu sidoo kale wuxuu dhaliilay doorashada ka socota Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay mid aan heshiis lagu ahayn maqaamka caasimadda, isla markaana aan lahayn sharciyad buuxda. Sidoo kale, war-murtiyeedku wuxuu si cad u diiday wax kasta oo muddo-kordhin ah oo ka baxsan xilliga dastuuriga ah, isagoo xusay in aysan jiri karin muddo-kordhin ka dib bilaha April–May 2026.
Dhanka kale, ka-qaybgalayaasha shirka ayaa ku baaqay midnimo qaran, ilaalinta Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012 oo ay ku tilmaameen saldhigga sharciyeed ee keliya ee dalka, iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Waxay sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyeen dayaca amniga iyo hakinta dagaallada lagula jiro Al-Shabaab, iyagoo ka digay in ciidamada laga jeediyo jiidda hore ay khatar ku tahay amniga guud.
Ugu dambeyn, mucaaradku waxay adkeeyeen baahida loo qabo wadahadal qaran oo ballaaran si loo soo celiyo kalsoonida siyaasadeed, loo xoojiyo nidaamka federaalka, loona xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
.



.

