Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaBaarlamaanka Soomaaliya oo Meel-Mariyey Miisaaniyadda Qaranka 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-Mariyey Miisaaniyadda Qaranka 2026

Muqdisho — Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadii, December 23, 2025, si rasmi ah u ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, kaddib kulan wadajir ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 8-aad, ayaa waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay wehliyeen guddoomiye-ku-xigeennada labada Aqal. Kooramka kulanka ayaa ku furmay 151 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28 senator oo Aqalka Sare ah.

Warbixinta akhrinta saddexaad ee miisaaniyadda ayaa Golaha u soo bandhigay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), kaas oo faahfaahiyey qodobada ugu muhiimsan ee ku jira qorshaha miisaaniyadeed.

Codbixinta kaddib, miisaaniyadda ayaa waxaa oggolaaday 174 xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaan uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Miisaaniyadda Qaranka 2026 ayaa gaareysa $1,386,807,242, taas oo ka badan tii sanadkii hore ku dhawaad $27 milyan. Sida ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisay, miisaaniyadda waxaa ku jira $46 milyan oo deyn ah oo dowladda ka qaadaneyso Bangiga Horumarinta Yurub, sidoo kale waxaa lagu daray lacag loogu talagalay maaraynta abaarta, iyadoo guddiyada Baarlamaanka ay sheegeen in $2.2 milyan loo qoondeeyey wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee abaaraha.

Inkasta oo miisaaniyadda si aqlabiyad leh loo ansixiyey, haddana qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa muujiyey walaac ku saabsan hanaanka codbixinta iyo arrimaha deynta. Xildhibaan Faa’isa Jeyte ayaa dhaliishay habraaca ansixinta, iyadoo sheegtay in ay jireen xildhibaano aan kulanka joogin balse lagu daray tirada ogolaatay.

Gunaanadkii kulanka, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey mudanayaasha labada Aqal ansixinta miisaaniyadda, isaga oo xusay in ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xasillinta dhaqaalaha, iyo adkeynta adeegyada dowladda sanadka 2026.

RELATED ARTICLES

Most Popular