New York — Dowladda Maraykanka ayaa qirtay in inkastoo ay balaayiin doollar ku bixisay taageerada amniga Soomaaliya muddo dheer, haddana aan weli la gaarin horumar waara oo la taaban karo oo dhinaca amniga ah.
Hadalkan ayaa ka soo yeeray wakiilka Maraykanka u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo Golaha ka hor sheegay in Washington ay ku bixisay ku dhowaad $1.6 bilyan taageeridda dalalka ciidamadooda ku biiriyay howlgaladii Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ay ku jireen AMISOM, ATMIS iyo hadda AUSSOM. Sidoo kale, Maraykanku wuxuu bixiyay ku dhowaad $2 bilyan oo ah deeqaha waajibka ah (assessed contributions) si loogu taageero Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo hay’adihii ka horreeyay.
Wakiilka Maraykanka ayaa xusay in ay jireen naf-hurnimo ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada iyo booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika, iyo sidoo kale taageero joogto ah oo ay bixiyeen Maraykanka iyo saaxiibadiis, balse taasi aysan weli horseedin xasillooni amni oo waarta ama wareejin buuxda oo mas’uuliyadda amniga ah.
Maraykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu bixiyay taageero laba-geesood ah oo ballaaran, oo ay ka mid yihiin boqolaal milyan oo doollar oo lagu taageeray ciidamada amniga Soomaaliya, iyo gargaar bani’aadannimo iyo mashaariic horumarineed oo gaaraya bilyano doollar. Si kastaba ha ahaatee, Washington waxay sheegtay in khataraha Al-Shabaab, ISIS iyo kooxaha kale ee argagixisada weli ay caqabad ku yihiin horumarka amni ee dalka.
Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed inay galaan wadahadal dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, kuwaas oo ay sheegtay inay si toos ah u carqaladeeyaan xasilloonida iyo dadaallada amniga.
Wakiilka Maraykanka ayaa sidoo kale shaaciyay in bilaha soo socda Washington ay sameyn doonto qiimeyn dhameystiran oo ku saabsan xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya, taas oo lagu saleyn doono go’aannada mustaqbalka ee siyaasadda Maraykanka, gaar ahaan hoos u dhigidda mas’uuliyad leh ee howlgalka AUSSOM iyo awood-siinta Soomaaliya si ay ula wareegto amnigeeda.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Golaha Ammaanka uu dhowaan kordhiyay waajibaadka AUSSOM, halka sidoo kale la qorsheynayo in la soo afjaro howlgalka UNTMIS sanadka 2026, arrin sii xoojinaysa cadaadiska ku wajahan Soomaaliya si ay u dardargeliso isku filnaanshaha amni.

