Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaShiinaha oo si cad uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna adkaystay...

Shiinaha oo si cad uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna adkaystay midnimada Soomaaliya

Beijing / Muqdisho – December 29, 2025 Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, iyada oo ku celisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo Isniintii ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay Beijing, ayaa sheegay in Shiinuhu si weyn uga walaacsan yahay go’aanka Israa’iil, isla markaana uu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedi karta kala-qaybsanaanta dhulka Soomaaliya. Wuxuu xusay in dalal iyo hay’ado caalami ah oo badan ay horey u cambaareeyeen tallaabadaas.

Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan laga goyn karin Soomaaliya, isla markaana arrinta Somaliland ay tahay arrin gudaha u gaar ah oo ay tahay in Soomaalidu iyagu xalliyaan, si waafaqsan danahooda qaran. Waxa uu intaa ku daray in Shiinuhu ka soo horjeedo faragelin kasta oo dibadeed oo lagu carqaladeynayo midnimada dal madax-bannaan.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale ugu baaqay waddamada ka baxsan gobolka in ay joojiyaan taageeridda ama dhiirrigelinta kooxaha gooni-u-goosadka ah, isagoo sheegay in aanay jirin dowlad xaq u leh in ay dano gaar ah darteed u taageerto kala-qaybinta waddan kale.

Dhanka kale, Lin Jian ayaa maamulka Somaliland ku booriyay in ay si dhab ah u fahmaan jihada ay xaaladdu u socoto, isla markaana ay joojiyaan tallaabooyinka gooni-u-goosadka ah iyo iskaashi kasta oo lala yeesho quwadaha shisheeye, kuwaas oo khatar gelin kara xasilloonida gobolka.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Israa’iil 26-kii December ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland, tallaabo si weyn uga dhalisay diidmo caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay in ay si buuxda u diiddan tahay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, iyadoo ku adkaysanaysa in ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana xiriir kasta oo toos ah oo lala yeeshaa uu yahay xadgudub ka dhan ah qarannimada iyo midnimada dalka.

Shiinaha, oo si joogto ah u taageera Soomaaliya madalaha caalamiga ah, ayaa mowqifkiisa ku saleeyay mabda’a aan faragelinta iyo ilaalinta xuduudaha dalalka, xilli uu sidoo kale dano dhaqaale iyo istaraatiiji ah ku leeyahay Geeska Afrika.

RELATED ARTICLES

Most Popular