Hargeysa — Sheekh Maxamed Weli Cabdirashiid, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa sheegay in isaga iyo culimo kale ay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, uga digeen heshiiska ay Somaliland la gashay Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay mid si cad uga hor imanaya mabaadi’da diinta Islaamka.
Sheekh Maxamed Weli, oo ka mid ahaa culimo dhowaan la kulmay Madaxweynaha, ayaa sheegay in kulankaas ay Madaxweynaha ugu caddeeyeen khataraha diimeed iyo kuwo bulsho ee ka dhalan kara heshiiska, gaar ahaan ku biirista Heshiiska Abraham Accords. Wuxuu xusay in ay u akhriyeen aayado Qur’aan ah iyo daliillo diini ah, iyagoo kula taliyay in uusan saxiixin wax heshiis ah oo ay culimadu u arkaan mid ka hor imanaya shareecada Islaamka.
Khudbad uu Jimcihii ka jeediyay mid ka mid ah masaajidda Hargeysa, Sheekh Maxamed Weli wuxuu si cad u dhaliilay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland iyo heshiisyada la xiriira, isagoo sheegay in aqoonsiga Israa’iil iyo ka tanaasulka qadiyadda Falastiin aysan waafaqsanayn mabaadi’da diinta Islaamka. Wuxuu sidoo kale ka digay dabaaldegyo lagu arkay magaalada oo lagu muujinayay calanka Israa’iil, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan habboonayn.
Saacado kaddib khudbaddaas, ciidamada ammaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Weli Cabdirashiid, xilli uu ka baxay masaajidka kaddib salaadda Cishaha, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah. Ilaa hadda, hay’adaha ammaanka Somaliland kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta xarigga.
Xadhigga Sheekh Maxamed Weli ayaa yimid xilli ay bulshada Somaliland ka dhex taagan yihiin doodo xooggan oo ku saabsan heshiiska Israa’iil iyo Heshiiska Abraham Accords, kuwaas oo ay culimo iyo qaybo ka mid ah bulshada si cad uga muujiyeen walaac diimeed iyo mid bulsho.

