Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaXasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Kulan Gaar ah ku Yeeshay Muqdisho

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Kulan Gaar ah ku Yeeshay Muqdisho

MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulan ka dhacay hoyga Sheekh Shariif ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo siyaasadeed, tabashooyin hore u jiray, iyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda federaalka. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran, labada dhinac ayaa isku afgartay in tabashooyinka jira lagu wajaho wadahadal si loo yareeyo xiisadaha siyaasadeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulanka ku muujiyay rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo ay hore ugu baaqeen qaar ka mid ah daneeyayaasha siyaasadda. Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Sheekh Shariif inuu door muuqda ka qaato hirgelinta shirkaas, si loo gaaro is-afgarad qaran.

Dhankiisa, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay codsigaas, isaga oo muujiyay diyaar u ahaanshihiisa ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, laguna gaari karo midnimo, isku-tanaasul, iyo wada-hadal dhab ah.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay jireen khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, waxaana loo arkaa tallaabo muujinaysa isku-soo-dhowaansho siyaasadeed iyo dadaal lagu xoojinayo wadahadal qaran.

RELATED ARTICLES

Most Popular