Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaAgaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho – Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib ku dhowaad afar sano oo uu dibadda ku maqnaa, sida ay xaqiijiyeen ilo warbaahineed oo kala duwan.

Fahad Yaasiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana la sheegay inuu ka soo duulay dalka Turkiga, halkaas oo uu deganaa tan iyo sanadkii 2022. Soo laabashadiisu waa tii ugu horreysay tan iyo doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu helay dammaanad-qaad dhanka amniga ah oo ka timid hay’adaha ammaanka, taas oo la xiriirta xaaladdiisa sharci iyo mid amni, islamarkaana sahashay inuu dalka dib ugu soo laabto. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale tilmaamay in, sababo amni awgood, uu si ku-meel-gaar ah u degi doono hoteel ku yaalla aagga aadka loo ilaaliyo ee Garoonka Aadan Cadde.

Ujeedka ugu weyn ee imaanshaha Fahad Yaasiin ayaa la xiriira ka qaybgalka shirweynaha Xisbiga Haybad Qaran (National Pride Alliance), oo la filayo inuu 8-da bishan Jannaayo ka qabsoomo Muqdisho. Xisbigan cusub ayaa waxaa ku mideysan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo miisaan culus ku leh siyaasadda dalka, waxaana ka mid ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyo xubno kale oo hore xilal sare u soo qabtay.

Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Fahad Yaasiin ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta saameynta ku leh jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilli ay Soomaaliya isu diyaarinayso doorashooyinka la filayo sanadka 2026.

Soo laabashada Fahad Yaasiin ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dhawaan ka baxay isbahaysigii siyaasadeed ee Nabad iyo Nolol, isla markaana uu noqday shaqsi udub-dhexaad u ah isbahaysi mucaarad oo cusub. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid saameyn ku yeelan karta isu dheellitirka siyaasadda Soomaaliya, iyadoo indhaha lagu hayo doorka uu ka qaadan doono loolanka siyaasadeed ee soo socda.

RELATED ARTICLES

Most Popular