Isbahaysiga militari ee uu hoggaamiyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaaciyay in hoggaamiyaha ururka gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen ee loo yaqaan Golaha Ku-meel-gaarka ah (STC), Caydaruus Al-Zubaidi, uu ka baxsaday Yemen kadib markii uu ka baaqsaday ka-qaybgalka wadahadallo nabadeed oo lagu waday in lagu qabto magaalada Riyaad.
War-saxaafadeed ka soo baxay isbahaysiga ayaa lagu sheegay in Al-Zubaidi uu habeenkii Arbacada ka baxay magaalada Cadan, isagoo doon ku gaaray dekedda Berbera ee Somaliland. Sida bayaanka lagu sheegay, kaddib wuxuu u sii gudbay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu diyaarad kaga duulay kuna wajahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Isbahaysigu wuxuu ku eedeeyay hoggaamiyaha STC inuu carqaladeynayo dadaallada nabadeed ee Yemen, isla markaana uu qaaday tallaabooyin ka baxsan heshiisyadii hore loo gaaray. Afhayeen u hadlay isbahaysiga ayaa sheegay in safarka Al-Zubaidi uu ku yimid xilli cadaadis militari iyo mid siyaasadeed lagu hayay xoogaggiisa ku sugan koonfurta Yemen.
Sida wararka isbahaysiga lagu sheegay, safarkan ayaa yimid kaddib markii Al-Zubaidi laga sugayay inuu u safro Riyaad si uu uga qeybgalo wadahadallo ujeedkoodu ahaa dejinta xiisadaha ka taagan koonfurta Yemen. Balse, sida la sheegay, ma uusan raacin wafdigii STC ee u duulay Sacuudiga.
Ilaa hadda, ururka STC, Al-Zubaidi laftiisa, ama dowladda Imaaraadka Carabta kama aysan bixin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan eedeymahan. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin wararka sheegaya in hoggaamiyaha STC uu soo maray Muqdisho intii uu baxsashada ku jiray.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya dhinacyada ku loolamaya koonfurta Yemen, iyadoo isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo uu wado dadaallo uu ku doonayo in lagu xakameeyo xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee dalkaas.

