SANCA — Golaha Kumeel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (Southern Transitional Council – STC) ayaa Jimcaha maanta shaaciyay inuu is-kala diray, isla markaana laalay dhammaan hay’adihii iyo xafiisyadii uu ku lahaa gudaha iyo dibadda dalka, sida ay tebisay wakaaladda wararka dowladda Yemen ee Saba Net.
Bayaan uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka is-kala dirista lagu gaaray u diyaargarowga ka-qaybgalka shir wadatashi qaran oo ku saabsan mustaqbalka koonfurta Yemen, kaas oo lagu wado in lagu qabto magaalada Riyadh, isla markaana ay martigelinayso Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
STC ayaa qirtay in uusan ku guuleysan himilooyinkii loo aasaasay, wuxuuna sheegay inuusan wax door ah ku lahayn go’aannadii horseeday howlgalladii militari ee ka dhacay gobollada bari ee Xadramowt iyo Al-Mahra, kuwaas oo uu tilmaamay inay waxyeello u geysteen waxa uu ugu yeeray “arrinta koonfurta.”
Wararka ayaa sidoo kale xusay in hoggaamiyihii STC, Caydaruus Al‑Zubaydi, uu ka baxay dalka kaddib cadaadis militari iyo mid siyaasadeed oo isa soo taray, isla markaana uusan ka mid ahayn wafdiga ka qayb-galaya wada-xaajoodyada Riyadh. Ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamay in siyaasaddiisu ay wajahday caqabado xooggan, taas oo keentay burburka golaha.
Golaha STC ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha koonfurta Yemen inay si buuxda uga qayb-qaataan geeddi-socodka wadahadallada, isaga oo muujiyay rajo ah in shirarka Riyadh ay horseedi doonaan aragti mideysan oo lagu xallin karo khilaafaadka ka taagan koonfurta dalka.
Is-kala dirista STC ayaa ku soo beegmaysa xilli Yemen ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed iyo amni, iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed ay socdaan si loo yareeyo xiisadaha loona helo xal waara oo loo dhan yahay.

