Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaTurkiga oo Si Adag U Dhaleeceeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Turkiga oo Si Adag U Dhaleeceeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si adag u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas “nasiib-darrada ugu weyn” ee ku dhici karta Somaliland.

Hakan Fidan, oo ka hadlayay xaalado la xiriira siyaasadda gobolka iyo arrimaha caalamka, ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil uusan Somaliland wax faa’iido ah u keenayn, balse uu dhaawacayo sumcaddeeda iyo mustaqbalkeeda siyaasadeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabadaasi aysan ku salaysnayn sharci ama xaq caalami ah.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay musiibo weyn. Maxaa ka weyn musiibo ku timaadda bulsho Muslim ah ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah?” ayuu yiri Wasiir Fidan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa intaas ku daray in Israa’iil ay Somaliland u adeegsanayso dano siyaasadeed oo gaar ah, isla markaana ay doonayso inay colaadaha Bariga Dhexe u soo wareejiso Geeska Afrika. Wuxuu xusay in Somaliland aanay helin aqoonsi caalami ah, marka laga reebo Israa’iil, taas oo muujinaysa go’doomin siyaasadeed.

“Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, balse waa sababta aad ugu adeegayso dano gaar ah oo ku salaysan siyaasadooda gobolka,” ayuu sii raaciyay.

Hakan Fidan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay weli haysato fursad ay dib uga laaban karto xiriirka ay la sameysay Israa’iil, maadaama, sida uu sheegay, beesha caalamka inteeda badan ay si cad uga soo horjeesatay tallaabooyinka ay Israa’iil qaaday.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan cambaareynta caalamiga ah ee ka dhanka ah aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo dalal iyo ururro caalami ah ay marar badan adkeeyeen in midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin lama taabtaan ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular